Golaha Aqalka Sare oo ansixiyay sharciga Hay’adda Sirdoonka & Nabadsugidda Qaranka ee NISA

Published: February 22, 2023
Shares2

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare, Cali Shacbaan Ibraahim oo uu wehliyay Guddoomiye ku xigeenka labaad, Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde) ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiis 15-aad ee golahaasi

Sanatarrada Golaha ayaa dood dheer kadib maanta ansixiyey sharciga Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka.

31 Senator ayaa ogolaaday meelmarinta sharcigan, saddex Senator ayaa diiday, halna waa ka aamusay.

Wasiir Dowlaha Wasaarada Amniga Gudaha, Maxamed Cali Xagaa, ayaa Sanatarrada Aqalka Sare uga mahad celiyay meelmarinta sharciga Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka oo meesha ka saari doona tabashooyin iyo caqabado badan oo ku xeernaa shaqada Hay’adda.

Horseed Media