Golaha Aqalka Sare Oo Ka Hadlay Kulanka Madaxweyne Farmaajo

Published: February 5, 2021

Golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay kulan uu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulllaahi Farmaajo isugu yeeray labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

War qoraal ah oo lagu daabacay barta internetka ee aqalka sare ayaa lagu sheegay inuu madaxweynuhu golaha kusoo wargelin kulanku uu ugu baaqay baarlamaanka Soomaaliya, isla markaana waxaa senatarada lagu wargeliyey inuu kulankaasi wadajir ahayn.

” Dhammaan Senatarada Golaha Aqalka Sare ee BFS waxaa lagu wargelinayaa in uusan jirin kulan wadajir ah oo Madaxweynuhu kasoo codsadey Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare si waafaqsan Qod.57aad (c) ee Dastuurka KMG ah iyo Qod.59 aad (4) ee Xeer hoosaadka Golaha. Sidaas darteed, ma jiro kulan wadajir ah oo ay xubnaha Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u ballansan yihiin birito oo taariikhdu tahay 06 Febraayo 2021.

Aqalka Sare

Si kastaba kulanka uu madaxweynaha Soomaaliya isugu yeeray baarlamaanka Soomaaliya ayey beesha caalamka wadaa dadaalo lagu joojinayo, sida uu wararka ku helayo Horseed Media.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *