Golaha Guurtida Somaliland oo muddo laba sano ah u kordhiyay Madaxweyne Muuse Biixi

Published: October 1, 2022
Shares50

Golaha Guurtida Somaliland ayaa 2 sano ku kordhiyay muddo xileedka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo muddo xil heyntiisa Dastuuriga ah ku siman 13ka November 2022.

Sidoo kale Golaha ayaa iyaguna ku darsaday waqti dheeraad ah muddo xiloodkooda.

Guddoonka Golaha Guurtida Somaliland ayaa sheegay in marka la eego xaaladaha taagan ee ballaarinta Xisbiyada, Ururrada Siyaasadda iyo diyaargarowga aanay ku qabsoomi Karin waqtiga doorashada uu dastuurka dhigayo.

Buuq ayaa hareeyay fadhiga kahor iyo kaddib codeynta, xubnaha Golaha Guurtida ee Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ayaa si weyn uga hor yimid in waqti dheereen loo sameeyo Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Guddoomiyaasha Xisbiyada Mucaaradka ee Waddani & UCID ayaa si cad uga hor yimid muddo kordhinta, waxa ay sheegeen in wixii ka dambeeya November 2022 xilka & xarunta Madaxtooyada ay u siman yihiin Madaxweyne Muuse Biixi.

Horseed Media