Golaha Senate-ka Kenya oo codka xil ka qaadista u qaadaya Madaxweyne ku-xigeenka dalkaas

Published: October 17, 2024
Rigathi Gachagua

Golaha Senatka ee Kenya ayaa maanta oo Khamiis ah bilaabay fadhigoodii labaad, iyaga oo isku diyaarinaya in la qaado cod muhiim ah oo ku saabsan xil ka xayuubinta madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya Rigathi Gachagua.

Gachagua ayaa si adag u diidey dacwadaha lagu soo eegay, oo ay ku jiraan ku takrifalka hantida dadweynaha iyo kicinta xiisadaha qowmiyadeed.

Codbixintii xil ka qaadista ee todobaadkii hore ka dhacday baarlamaanka Kenya ayaa waxaa dhaleeceeyay taageerayaasha Gachagua oo ku tilmaamay mid siyaasadeysan. Waxa ay ku doodayaan in Madaxweyne ku xigeenka oo laf dhabar u ahaa guushii doorashada ee Madaxweyne William Ruto laba sano ka hor, si aan cadaalad ahayn loo bartilmaameedsaday.

Gachagua waxa uu ku sifeeyay habka xil ka qaadista mid “Siyaasadeed” oo ku salaysan eedeymo aan sal iyo raad lahayn, isaga oo ku nuux-nuuxsaday sida uu ugu heellan yahay u adeegida shacabka Kenya. Kooxda qareenada ee Madaxweyne ku xigeenka ayaa si adag uga dooday eedeymaha, iyaga oo ku adkeysanaya in ay la’yihiin cadeymo la taaban karo oo ay salka ku hayaan mala-awaal halkii ay ka ahaan lahaayeen xaqiiqda.

Dhageysiga maanta wuxuu siinayaa Gachagua fursad muhiim ah oo uu si toos ah ula hadlo Senatka iyo qarankiisa, taasoo u ogolaaneysa inuu soo bandhigo dhinaciisa sheekada oo uu beeniyo eedeymaha. Taageerayaashiisu waxay filayaan difaac adag oo muujin doona wax qabadkiisa muuqaalka siyaasadda Kenya iyo daacadnimadiisa hagar la’aanta ah ee uu u hayo mabaadi’da dimoqraadiga ah ee dalka.

Haddii saddex-meelood labo ka mid ah Senetarada ay taageeraan mooshinka codeynta la qorsheeyay fiidnimada Khamiista, Gachagua wuxuu noqon doonaa madaxweynihii ugu horreeyay ee Kenya ama ku xigeenkiisii ​​oo lagu khasbay in xilka laga qaado, hannaankaas oo lagu soo bandhigay dastuurkii 2010-kii.

HORSEED MEDIA