Golaha Shacabka oo ansixiyay hindise sharciyeedka xeerka shaqada Soomaaliya

Published: August 7, 2024

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta golaha shacabka ku yeeshay kalfadhiga shanaad kulankiisa tobanaad,waxaana shir guddoominayay guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Guntanka ama kooramka kulanka oo ku furmay 143-xildhibaan waxaa ugu horeyn shir guddoonka kulanka uu xildhibaanadda u sheegay in guddoonka uu haayo mooshin ama soo jeedin ay xildhibaano golaha ka tirsan u gudbiyeen, kaasoo ujeedkiisu yahay ku daris qodobo muhiim ah xeerka shaqada Soomaaliya, waxaana mooshinka golaha u akhriyay Xildhibaan Yuusuf Xuseen Gamaadiid oo ka tirsan xildhibaanka mooshinka saxiixay.

Kadib soo jeedinta xildhibaanadda ayaa mooshinka lagu daray, waxaana xildhibaanadda golaha shacabka ay cod u qaadeen hindise sharciyeedka Xeerka Shaqada Soomaaliya, waxaana ogolaatay 138-xildhibaan, 4 xildhibaan ayaa diiday halka hal xildhibaanna uu ka aamusay sida uu sheegay guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo natiijada codeynta ku dhawaaqay.

Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya oo kulanka soo xiray ayaa u mahadceliyay guddiga hindise sharciyeedka maanta la ansixiyay kasoo shaqeeyay iyo xildhibaanadda golaha shacabka ee maanta ansixiyay.

Horseed Media