Golaha Shacabka Oo Ansixiyey Hindise-Sharciyeedka Adeegyada Baaritaanka Beeraha

Published: November 14, 2020

Golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta meel-mariyey hindise sharciyeedka adeegyada baaritaanka beeraha Soomaaliyeed, kaas oo ay soo diyaarisay wasaaradda beeraha iyo waraabka Soomaaliya.

Xildhibnaada golaha shacabka oo sharcigan cod gacan taag ah ugu codeysey waxaa ogolaaday 139 mudane, 2 ayaa diiday 2 Waxaa Ka Aamusay 1 Sidaas Ayuuna Ku Ansaxay.

Kulanka maanta ayaa waxaa shir guddominayey guddomiyaha golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman, guddomiye ku-xigeenka koowaad Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey iyo guddomiye ku-xigeenka labaad ee golaha shacabka Mahad Cabdalla Cawad.

Ugu dambeyn guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh ayaa ku dhawaaqay in sharcigan la ansixiyay.

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa loo qeybiyey hindise sharciyeedyada kala ah:

  1. Sharciga Xubnaha Adeega Garsoorka
  2. Sharciga Xubnaha Guddiga La Dagaalanka Musuqmaasuqa
  3. Hindise-sharciyeedka Hay’adda Dhiiri-Galinta Maalgashiga Soomaliyeed
  4. Akhrinta 2aad ee Hindise-Sharciyeedka Ilaalinta Xuquuqda Maalgashiga Iyo Maalgashatada
  5. Qaybinta Akhrinta 2aad ee Hindise-Sharciyeedka Hay’adaha Aan Dowliga Aheyn

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *