Golaha Shacabka oo looga hadlay hindise sharciyeedka xuquuqda naafada iyo arrimo kale

Published: January 31, 2024

Kalfadhiga 4aad kulankiisa 13aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,ayaa waxaa shir guddoominaayay.Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar.

Kulanka ayaa ajandihiisu ahaa:

1) Dhaarinta Wasiiradda Cusub ee Wasaaradda Beeraha iyo Wasaaradda Howlaha Guud.
2) Warbixinta Akhrinta 2aad ee Hindise -Sharciyeedka Xuquuqda Naafada Soomaaliyeed.
3) Qeybinta Hindise -Sharciyeedka Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed.

Ugu hhorreyn abdhowraha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) ayaa dhaariyay Wasiiradda Cusub ee Wasaaradda Beeraha iyo Wasaaradda Howlaha Guud Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaan Maryan Maxamed Ciise oo ka mid ah guddiga Xuquuqul Insaanka Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadanimada ayaa Mudanayaasha Golaha Shacabka ka hor akhrisay Hindise -Sharciyeedka Xuquuqda Naafada Soomaaliyeed si waafaqsan Qodobka 84aad (4) ee Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka.

Xildhibaanada ayaa aragtidooda ka dhiibtay mabda’ guud iyo ujeedada Hindise-Sharciyeedka, iyagoo tala-soo jeedin iyo erayada qaar ay ubaahan yahiin turxaan bixin ay ku soo sameeyaan guddiga Xuquuqul Insaanka.

Xubnaha guddiga ayaa mid mid ugu jawaabay dhamaan weydiimaha Xildhibaanada.

Ugu dambeyn guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo kulanka soo xirtay ayaa fartay guddiga Xuquuqul Insaanka Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadanimada in ay Akhrinta 3aad ay ku soo biiriyaan talo soo jeedinta iyo turxaan bixinta Mudanayaasha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya