Golaha Wadatashiga Qaran oo ku heshiiyey inay dalka oo dhan ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah

Published: May 28, 2023
Shares46

Shirkii maalmahanba u socday Golaha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya ayaa xilli dambe oo xalay ahayd la soo gebagebeeyey, iyada oo laga soo saaray bayaan ka kooban illaa 12 qodob, kaas oo ay qalinka ku duugeen, madaxda Dowladda Soomaaliya iyo madaxweynayaasha Jubaland, Koonfur Galbeed, Hirshabelle, Galmudug iyo duqa caasimadda Muqdisho.

Warsaxaafadeed ka soo baxay shirk ayaa lagu sheegay in dawladda heer federaal iyo maamul goboleedada ka qayb galay kulankani inay ku heshiiyeen inay dalka oo dhan ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah oo ay ku tartamayaan laba xisbi qaran oo keliya.

Qodobka saddexaad ee heshiiska ayaa dhigaya, in xubnaha golaha shacabka ay dadweynuhu si toos ah oo qarsoodi ah u soo dooran doonaan, iyada oo lagu salaynayo nidaamka xisbiyada badan.

Qodobka lixaad ayaa sheegaya in doorashada xubnaha golayaasha deegaanka si toos ah ay u soo dooran doonaan bulshada ku nool degmadaasi, iyada oo ay ku tartami doonaan ururada siyaasaddu. Waxaana xisbiyo qaran u soo gudbaya labada urur siyaasadeed ee ugu codka badan.

Qodobka toddobaad ee heshiiskan ayaa lagu sheegay in si loo mideeyo hannaanka doorasho ee hoggaanka JFS loona dardargeliyo habsami u socodka dowladnimadeena, waxaa dalka uu qaadanayaa nidaam Madaxweyne iyo Madaxweyne ku-Xigeen. Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-Xigeenka waxaa hal warqad ku dooranaya shacabka Soomaaliyeed ayadoo lagu salaynayo nidaamka xisbiyada badan.

Doorashooyinka dalka ayaa la isku raacay inay dhacaan, shantii sanaba hal mar, iyada oo doorashooyinka dawladaha hoose ay dhici doonaan, 30-ka bisha June ee sannadka 2024, halka doorashooyinka madaxweynaha iyo ku xigeenka ee Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka ah ay dhici doonto bisha November ee sannadka 2024.

Horseed Media