Published: June 18, 2022

Kalfadhiga Golaha Wakiilada Puntland oo furmey 16 Juun ayaa looga hadlaayaa qodobo gaaraya 17 qodob oo ay ka mid yihiin:
- La-xisaabtanka xukuumadda
- Heshiisyada Dekedda Boosaaso, Garoomada Diyaaradaha iyo Maxjarrada
- Khilaafka Deni iyo Karaash
- Sicir-bararka
- Dimuqraadiyadda (Guddiga TPEC ayaa loo yeeraayaa)
- Xaalufka Bad iyo Berri (Dhoofinta Dhirta..)
- Xaaladda ka soo cusboonaatay Gobolka Sanaag
- Garsoorka Puntland (Dib-u-eegis).
Qodobada heshiiska Dekadda Bosaso oo horey sababey in baarlamaanka laga saaro 8 Xildhibaan ayaan la ogeyn sida loogu guuleysan doono, dooda laga yeelaayo, marar badan ayaa qodobkaan dib loo dhigey isaga oo ku jira ajandaha golaha Wakiilada.

