Golaha Wasiirada Galmudug oo ansaxiyey degmooyin cusub

Published: November 17, 2022
Shares4

Madaxweynaha Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, oo wehlinaayo Madaxwayne Ku Xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa shir gudoomiyay kulanka golaha wasiirada ee Galmudug.

Shirka ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimaha amniga guud, iyadoona warbixin laga dhageystay Wasaaradda Amniga Gudaha oo ka warbixisay xaaladda guud ee amniga Galmudug iyo howlgaladii u danbeeyay ee kooxda Al-shabaab looga saaray deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud.

Dhinaca kale, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib uheshiisiinta Galmudug ayaa Golaha hor keentay  hindise sharciyeed lagu dagmeynayo deegano ay wasaaradu ku sameysay daraasad, soona buuxiyay shuruudaha degmanimo oo kala ah

1- Dhabad

2- Galinsoor

3- Bandiiradley

4- Afbarwaaqo

5- Ceelguula.

Dood iyo falanqeyn dheer kadib, Golaha Wasiirada ayaa cod u qaaday ansaxinta degmooyinka kor ku xusan, ayadoona lagu ansixiyay cod aqlabiyad oo gacan taag ah.

Horseed Media