Golaha Wasiirada Galmudug oo ansixiyey laba hindise sharciyeed oo muhiim ah

Published: June 6, 2022

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa shir gudoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Galmudug, iyadoona Wasaaradda Arimaha Guduaha, Federaalka iyo Dib  uheshiisiinta Galmudug ay soo jeedisay laba hindise sharciyeed si golaha ay uga doodaan, una ansixiyaan.

Golaha Wasiirada oo ka dooday hindise sharciyeedyada lasoo jeediyay ayaa cod gacan taag aqlabiyad ah ku ansixiyay labo hindise sharciyeed ee hoos ku xusan, kuwaas oo door muhiim ah ka qaadan doona hannaanka doorashooyinka Galmudug.

Labada hindise sharciyeed ee ay Golaha Wasiirada ansixiyeen ayaa kala ah:-

1 – Sharciga Guddiga Doorashooyinka ee dowlad Goboleedka Galmudug.

2 – Shirciga ururada iyo xisbiyada siyaasadeed ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

Sharciyadaan ayaa si rasmi ah wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta u gudbin doontaa Golaha Baarlamaanka Galmudug si ay waajibkooda uga gutaan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *