Golaha wasiirada oo ansixiyey heshiisyo ay la galeen Sucuudiga iyo South Africa

Published: September 14, 2023

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaaliga aha, oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa looga hadlay dagaalka ka dhanka al-Shabaab,meelmarinta heshiisyo is-afgarad ay Dowladda Soomaaliya la gashay dalalka Sacuudiga iyo Koonfur Afrika.

Heshiisyada Sucuudiga iyo Koonfur Afrika ayaan faahfaahin dheeraad ah laga bixin.

Kulanka golaha ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga dalka, canshuuraha, isku xirka warbaahinta ee arrimaha dagaalka ka dhanka ah argagsixisada iyo warbixin la xiriirta xiriirka soo jireenka ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Jabuuti.

Horseed Media