Golaha wasiirada Soomaaliya oo kulmay [War-Saxaafadeed]

Published: February 16, 2012

Shirkii caadiga ahee ee Golaha Wasiirada ayaa maanta waxaa
shir-guddoominayey Ku-Simaha Ra`iisul Wasaaraha Soomaaliya Xuseen
Carab Ciise, waxaana looga hadlay arimaha amniga, warbixin laga
dhageystay Ra`iisul Wasaarihii hore ee Norway, magacaabis Taliyaha
Ciidanka Asluubta, siyaasadda Isboortiga dalka, warbixinno laga
dhageystey wasiiro iyo shirka London iyo in cunaqabateynta laga qaado
dalka.

Ugu horreyntii waxaa golaha warbixin siiyey Ra`iisul Wasaarahii hore
ee Norway Kjell Bondevik oo ka sheekeeyey waayo aragnimadiisa markii
uu Ra`iisul Wasaare ahaa oo uu hoggaaminayey 3 xisbi oo xukuumadda ku
wada jiray kuwaasoo aad u kala fikir duwanaa. Waxuu sheegay in
kalsooni laga dhex-abuuro dowladda dhexdeeda inay muhiim tahay
sheegeyna furaha guusha inay tahay kalsooni abuurista iyo xiriirka
joogtada ah. Sidoo kale waxuu xusay 5 arrin oo muhiim u ah siyaasadda
oo kala ah Wadatashi, Xiriirin, Wadahadal, heshiis guud oo loo
dhanyahay, iyo Isu-Tanaasul.

Waxuu sheegay in shantan qodob ay keenayaan wadajir bulshada dhexdeeda
ah. Ku-Simaha Ra`iisul Wasaaraha ayaa u mahadceliyey Mr Bondevik
sheegeyna in golahu ay ka faa`iideysanayaan khibradiisa oo uu la
wadaagay goalaha Wasiirada. Waxuuna sheegay in Mr Bondovik uu yahay
saaxiib Soomaaliyeed.

Golahu waxey warbixin ka dhageysteen Wasiirada Amniga oo sheegay in
horumar ay ciidamada dowladda iyo AMISOM ay ka sameeyeen dhanka
ex-control, howlgalkuna uu ahaa mid lagu guuleystay. Golahu waxey isku
raaceen in shacabka laga saacido dib-u-dejinta oo beesha caalamka laga
codsado inay gar-gaar deg-deg ah la soo gaaraan.
Wasiirka Garsoorka & Arrimaha Diinta ayaa golaha soo hor-dhigay
musharax si loogu magacaabo jagada Taliyaha Ciidanka Asluubta. Dood
dheer ka dib golahu waxuu isku-raacay in Mudane Cabdi Maxamed
Ismaaciil loo magacaabo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Wasiirka Gaadiidka Cirka, Dhulka, Badda iyo Dekedaha ayaa golaha
warbixin ka siiyey shuruucda dhul xeebeedka iyo muhiimadda Illaalinta
Dhul Xeebeedka oo wasaaraddu ay xaq u leedahay inay iyadu maamusho oo
hay`adaha kale ee dowladdu aysan awood u laheen inay bixiyaan Dhul
Xeebeedka Soomaaliya.Golahu waxuu isku raacay in guddi heer wasiir ah
oo ka kooban Wasaaradaha Garsoorka, Arrimaha Gudaha, Maaliyadda,
Howlaha Guud, Arrimaha Bulshada iyo Difaaca ka soo warbixiyo xaaladda
dhabta ah si go`aan looga gaaro.

Golahu waxey ku ammaaneen shacabka sidii ay goobaha dowladda u
banneeyeen iskuna raaceen in goobaha dowladda inta hartay laga baxo
isla markaana aan la bixin karin, lana dhisan karin dhul ka mid ah
goobaha dowladda.

Wasiirka Shaqada, Dhalinyarada iyo Isboortiga ayaa golaha u soo
gudbiyey siyaasadda Isboortiga Soomaaliya kana codsaday in loo
ansixiyo. Dood dheer ka dib, golahu waxey isku raaceen in Wasaaraddu
ay dhaqangeliso siyaasadda Isboortiga ee Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa golaha u soo
gudbiyey xeerka Isgaarsiinta Qaranka. Xeerkan ayaa ah sharci
dheeri-gelinaayo in nidaam dowli ah loo sameeyo adeegyada
Isgaarsiinta. Golahu waxey isku raaceen in dokumentiga la soo akhristo
ka dibna usbuuca danbe laga doodo si loo ansixiyo.

Ku-Simaha Ra`iisul Wasaaraha iyo Wasiir Ku-Xigeenka Maaliyadda ayaa
golaha warbixin ka siiyey Shirka London iyo meesha uu marayo iyo in
loo baahanyahay in golahu ay aragti mideysan ka qaataan. Golahu waxey
isku raaceen in dib-loo dhiso hay`adaha amniga loona helo tasiilaadkii
ay u baahnaayeen, in xasilinta degmooyinka iyo gobolada la taageero,
in hay`adihii dhaqaalaha la xoojiyo, iyo in dib-u-dhiska dalka laga
saacido dowladda. Sidoo kale waxuu ka codsaday golaha inay u codeeyaan
in Soomaaliya laga qaado Cunoqabateynta Hubka ee saran. Dood dheer ka
dib golahu waxuu isku raacay in Soomaaliya cunaqabateynta laga qaado
oo laga codsaday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey tixgeliyaan
codsida Dowladda Soomaaliya, si dib-u-habeyn loogu sameeyo ciidanka
Soomaaliyeed oo ay u helaan tasiilaadkii ay u baahnaayeen si Al-Qaeda
looga sifeeyo dalka.

 

Horseed Media

Xigasho: Xafiiska Raysul Wasaaraha