Golaha Wasiiradda Soomaaliya oo ansixiyey xeerka habka ciqaabta

13 hours ago

Xukuumadda Soomaaliya oo meelmarisay Xeerka Habka Ciqaabta iyo Siyaasadda Qaran

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta shir guddoomiyey kulanka golaha wasiiradda XFS oo lagu ansixiyey xeer muhiim ah.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa lagu ansixiyey wax ka beddelka Xeerka Habka Ciqaabta iyo Siyaasadda Qaran ee Dhismaha Machadka Sare ee Tababbarka iyo horumarinta Sharciga oo ay soo gudbisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka.

Shirka ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriirra, horumarka laga sameeyay dhanka diblomaasiyadda iyo xiriirka caalamiga ah, Amniga iyo Dhaqaalaha dalka.

Horseed Media