Golaha wasiirrada Soomaaliya oo Gen. Sulub Axmed Firin u magacaabay Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed

Published: January 26, 2023
Shares2

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu maanta guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac ayaa lagu ansixiyey iyo Magacaabista Taliyaha cusub ee ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo heshiiska aasaasidda Ciidamada Bariga Afrika.

Golaha wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa u magacaabay Gen. Sulub Axmed Firin, taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Taliyaha cusub, ayaa waxa uu badalay Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, oo xilkan hayey sanadihii u dambeeyey.

Dhinaca kale waxaa Goluhu ansixiyay Heshiiska aasaasidda ciidamada heeganka ah ee Bariga Afrika oo ay ku jiraan sagaal waddan, oo kala ah Soomaaliya, Burundi, Jabuuti, Itoobiya, Kenya, Rwanda, Seychelles, Suudaan iyo Uganda.

Horseed Media