Golaha Wasiirrada XFS oo go’aanno ka soo saaray dilalka loo geesanayo dhallinyarada ku shaqeysta Mooto Bajaajta

Published: March 2, 2023

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta shirguddoomiyay shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda, kaas oo todobaadkaan diiradda lagu saaray Xaaladda guud ee Dalka.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saaray go’aamo muhiim ah oo looga hortagayo dhibaatooyinka ay la kulmaan Muwaadiniinta ku shaqeysta Bajaajta.

Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay magacaabista Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib U Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka KMG oo ka kooban 5 xubnood, kaas oo ay soo jeedisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka.

Sidoo kale waxaa Goluhu maanta ansixiyay Hindise Sharciyeedka Daawada iyo Badqabka Cuntada iyo laba heshiis oo dowladda Soomaaliya ay la gaartay dowladda Qatar, kuwaasi oo ku saabsan Iskaashi dhinacyada warbaahinta, hiddaha iyo aqoonta.

Horseed Media