Golaha Xukuumadda Puntland oo wax ka beddel ku sameeyey xeerar muhim ah

Published: July 20, 2023
Shares10

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Shir Guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay wax ka beddelka shuruuc muhim ah.

Golaha xukuumadda ayaa loo soo gudbiyey wax ka beddel lagu sameeyey xeerka goloyaasha deegaanka iyo xeerka doorashooyinka Puntland saxafaddu ma arag waxa laga beddeley labadan xeer, sidoo kale waxaa wax laga beddeley xeerarka qareenada Puntland, xeerka notaayada iyo xeerka maaliyadda ee Bangiga dowladda.

Shirka Golaha xukuumadda ayaa sido kale looga hadley arrimaha amniga iyo diyaar garowga xuska 1-da Ogoosto.

Horseed Media