Guddoomiyaha golaha wakiilada ee Puntland oo ku dhawaaqey in xildhibaanadu fadhi isugu yimaadaan

Published: September 19, 2022

Shir guddoonka golaha wakiilada Puntland ayaa maanta oo Isniin ah kulan gaar ah la qaatay guddiyadii goluhu u-xil-saaray ka soo talo bixinta muranka u dhexeeyey golaha iyo Madaxweynaha ee maxkamadda sare iyo nariijada la xisaabtankii golaha xukuumadda.

Shirka waxaa ka soo qaybgalay guddoomiyaha golaha wakiilada Cabdirashiid Yuusudf Jibriil iyo labadiisa ku-xigeen, iyo xubno ka socdey labasii guddi ee la magacaabey.

guddiyada ayaa warbixin siiyey shir-guddoonka golaha wakiilada taas oo la xiriirtey talo bixintii loo direy.

Kalfadhigii golaha wakiilada ee 50aad ayaan weli la xirin, waxaana sidaas loo yeelay in arrimahan la dhameeyo.

Guddoomiyaha golaha wakiilada iyo labada guddi ayaa isku raacey in maalinta Isniinta ah ee 26 September golaha wakiiladu isugu yimaadaan shir lagu soo xirayo kakfadhigii golaha wakiilada iyo hawlaha qabyada ah ee yaaley.

Madaxweyne Deni oo horey u ballanqaadey in uu dib u soo magacaabayo Maxkamadda sare ayaan ilaa hadda magacaabin, waxaana uu galay olole kale oo la xiriira barnaamijkii dimoqraadiyadda ee sanadkii hore laga qabtey saddex degmo, waxaa jira warar sheegaya in uu rabo in magacaabidda uu ku aadiyo kalfadhiga labaad ee golaha wakiilada oo furmaya dhamaadka bisha Oktoobar, 20022, taas oo xildhibaanadu diidan yihiin.

Dhanka kale waxaa si weyn la isu weydiinaayey natiijadii ka soo baxdey la xisaabtanka xukuumadda, oo noqtey mid aan ilaa hadda miraheedi la arag, waxaa soo baxay heshiisyo qarsoodi ah oo lagu meel-marsadey garoomada diyaaradaha ee Puntland taas oo laga sugaayey wasaaradda duulista hawada ilaa haatana aan golaha la horkeenin.

Maxaa laga filan karaa kalfadhiga golaha wakiilada ee daba-dheeraadey ee Isniinta danbe loo ballansan yahay, waxaal a dhihi karaa waa mindi laba afleh, ayna tahay hadba sida ay u isticmaalaan xildhibaanada golaha wakiiladu.

Horseed media