Gole dhalinyaro oo horumarinta Boosaaso ka shaqeyn doona ayaa Sweden lagu asaasay

Published: February 6, 2012

Gole dhalinyaro oo cusub ayaa dhowaan laga asaasay magaalada Stockholm ee caasimada dalka Sweden.

Golahan dhalinyaro oo loo bixiyey golaha loo dhan yahay iyo horumarinta Boosaaso ayaa waxaa ku bahoobey qaar kamid ah dhalinta reer Puntland ee ku dhaqan wadamada qurbaha gaar ahaan dalalka Yurub.

Gudoomiyaha golaha loo dhan yahay Jaabir Xuseen Gacayte islamarkaana isagu ah shakhsigii lahaa fikradii golahaas lagu asaasay ayaa Horseed Media uga waramay ujeedooyinka loo asaasay iyo ahdaafta uu golhaasi leeyahay.

Wuxuuna sheegay in ururkan la asaasay kadib markii la arkay isku xirnaan la`aanta ka dhex jirta dhalinta dalka ku nool iyo kuwa qurbaha, iyo sida Jaaliyadaha dibadda ku dhaqan ee Puntland aysan xil isaga saarin ka qayb qaadashada horumarinta deegaanada ay ka yimaadeen.

Jaabir Xuseen Gacayte ayaa mar ay Horseed Media weydiisey talaabada ugu horeysa ee ay diirada saarayaan wuxuu sheegay inay kow ka tahay ka qayb qaadashada mashaariicda horumarineed ee magaalada Bosaaso laga wado maadaama dadka golahan xubnaha ka ahi ay u badan yihiin Jaaliyadaha Puntland kuwooda kasoo jeeda magaalada Boosaaso.

Gudoomiyaha golahan dhalinyaro ee dhowaanta dalka Sweden laga asaasay ayaa dhinaca kale xusay in xiriir fiicani uu ka dhexeeyo iyaga iyo guddiga horumarinta Boosaaso oo iyagu mudooyinkii u danbeeyey ku howlanaa sidii qaar kamid ah wadooyinka magaalada Boosaaso Laami looga dhigi lahaa kuna guuleystey inay howshaas dhowr beri kahor bilaabaan.

Jaabir Xuseen ayaa ugu danbeyntii sheegay in golaha uu gudoomiyaha u yahay ay xiligan xubno ka yihiin in ka badan 200 oo qof islamarkaana ay wadaan olole ay ku uruurinayaan dhaqaale lagaga qayb qaato dayactirka wadooyinka caasimada dhaqaalaha Puntland ee Boosaaso, isagoo intaas raaciyey in wax badani ay u qabsoomeen , ayna ku rajo weyn yihiin inay waxqabad muuqda sameeyaan.

Waa markii ugu horeysey oo ay dhalinyaro reer Puntland ah oo dalka dibadiisa ku dhaqani gole horumarineed oo noocan oo kale ah sameystaan, waxaana arintan si diiran usoo dhoweeyey bulshada ku dhaqana magaalada Boosaaso iyo guud ahaan deegaanada Puntland.

 

Horseed Media