Gollaha Ammaanka oo isku raacay xabad joojin ka dhaqan gasha Suuriya

Published: February 25, 2018

Gollaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyey si aqlabiyad ah Qaraar cusub oo ku baaqaya xabad joojin deg-deg ah oo laga dhaqan gelinayo Bariga magaalada Ghouta ee dalka Suuriya.

Magaalada Ghouta hal todobaad gudahiisa waxaa lagu dilay in ka badan 500 qof.

Gollaha Ammaanka Qarraarka ay meel mariyeen oo 30 maalmood ah ayaa ah mid bini`aadannimo oo la doonayo in loogu gar-gaaro shacabka ku go`doonsan magaalada Ghouta oo ay ku dagaalamyaan Ciidanka Dowladda Suuriya iyo Mucaaradka.

Qarraarkan oo Gollaha ay horkeeneen Dowladaha Kuweyt yo Sweden ayaa waxaa taageeray Ruukha oo saaxiib dhow la ah Madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-Asad

Lama oga waqtiga uu dhaqan galayo xabad joojinta, balse Mucaaradka gacanta ku haya magaalada Ghouta ayaa soo dhaweeyey Qarraarkan oo ay ku tilmaameen mid yimid xiligii loo bahnaa

Magaalada Ghouta ayaa ku dhow Casimadda Dimishiq, waxaana go`doomiyey Ciidamada daacadda u ah Madaxweyne Bashaar Al-Asad oo Cir iyo dhul ka duqeeyey magaaladaasi.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *