Gollaha Ammaanka Oo Ugu Baaqay Madaxda Soomaalida Inay Wada Shaqeeyaan

Published: December 30, 2019

War-saxafadeed ka soo baxay xubnaha gollaha ammaanka ee qaramada Midoobay ee Newyork ayaa lagu cambaareeyay qarixii ka dhacay isgoyska ekiskontrool ee Afgooye kaasi oo ay ku dhinteen 89 qof.

Xogyahana guud ee qaramada midoobay Antonia Gutterres ayaa ku tilmaamay weerkaas dadka badan lagu laayay mid laga argagaxo, wuxuuna ku baaqay in si deg deg ah cadaalada loo horkeeno kuwii ka masuulka aha.

” waa in cadaalada la horkeenyo kuwii fuliyay, maalgaliyay, soo qorsheeyay falkan aragagixisnimada ah” ayaa lagu yiri warsaxafadeedka

Gollaha ammaanku wuxuu ugu baaqay madaxda dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada inay si wadajir ula dagaalamaan kooxaha argagixisada.

Warsaxafadeedka waxaa kaloo lagu sheegay in Xubnaha gollaha ammaanka ay ka go’antahay in Somaliya lagu garab siiyo Nabadgelyada iyo xasilinta dalka iyo sidii dalku u gaari lahaa horumar.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *