Gollaha Wakiilada oo Cod u Qaaday Xubo Xisbiyada U Meteli Lahaa Koomishanka

Published: March 28, 2020

Gollaha wakiilada ee Somaliland oo Maanta Cod u qaaday Labada Xubnood ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka u meteli lahaa Xisbiyada Mucaaridka ah

Labada xubnood ayaa kala ah Cabdifatax Ibrahim Hassan oo ka socda Xisbiga UCID iyo Maxamuud Siciid Dalmar oo ay soo xusheen Xisbiga WADDANI .

Cabdifatax Ibrahim Hassan waxaa ogolaaday 29 Xildhibaan, waxa Diiday 8 xildhibaan, halka ay ka aamuseen 14, gudoomiyuhuna muu codaynin, sidoo kale Maxamuud Siciid Dalmar Waxa ogolaaday 31 Xildhibaan waxa Diiday 6, waxa ka aamusay 14

“Sida uu dhigayo qodobka 11aad ee xeerka Doorashooyinka madaxweynaha iyo golayaasha deegaanka farqadiisa 3aad waa in xubinta komishanka ka midka noqonaysa ay Golaha wakiilada ku ansixiyaan Kala badh iyo hal (Absolute Majority) oo noqonaysa maadaama oo goluhu 80 k kooban yahay 40+1 = 41” sidaas waxaa lagu yiri qoraal ka soo baxay gollaha wakiiladda Somaliland

Labadan xubnood ayaan helin codadkii laga rabay oo ah 41 xildhibaan waxay sidaas ku waayeen xubinimadii Komishanka Doorashooyinka.

Gudida arimaha Gudaha ee gollaha wakiiladda Somaliland ayaa sidoo kale waxa ay soo jeediyeen inaan la ansixinin Xubinta Xisbiga UCID Cabdifataax ibrahim Xasan maadaama aanu buuxinin shuruudihii xubinimo iyadoo la raacayo heshiiskii Saddexda xisbi iyo madaxweynaha.

Xukuumadda Somaliland iyo Xisbiyada Mucaaradka ayaa ku heshiiyay in wax laga bedelo guddiga doorashooyinka Somaliland oo muran dhaliyay si loo qabto doorashada gollayaasha degaanka iyo Tan barlamaanka Somaliland.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *