Gollaha Wasiiradda ee Xukuumadda Ra’isul Wasaare Khayre oo Maanta Hortagaya Barlamaanka

Published: March 29, 2017

Ra’isul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa lagu wadaa inuu maanta gollihiisa Wasiiradda ee uu dhowaan magacaabay horgeeyo Gollaha barlamaanka federaalka Soomaaliya si ay codka kalsoonida u siiyaan.

Gollaha wasiiradda ee cusub oo ka kooban 67 xubnood ayaa waxaa dhaliilay islamarkaana saluugay xildhibaano ka badan 100,kuwaas oo ku dhaliiley in golaha wasiirada aysan waafaqsaneyn qaabka habqeybsiga ee horey loogu dhaqmi jirey.

Afhayeenka barlamaanka Federaalka Maxamed Cismaan Jawaari ayaa toddobaadkan ka dalbaday Raysalwasaaraha inuu saxo khaladka ka hor inta aanu wakhtgu ka dhamaan si looga baaqsado khilaaf iyo dib u dhac ku yimaada kalsooni siinta gollaha wasiiradda.

Ra’isul Wasaaraha ayaa la filayaa inuu khudbad u jeediyo xubnaha barlamaanka, soona bandhigo ajendaha xukuumadiisa, kuna qanciyo inay codka kalsoonida siiyaan gollaha xukuumadiisa oo ay meelmariyaan.

Gabagabadii, Madaxweyne Farmaajo ayaa dhowr jeer ka codsaday barlamaanku inay ansixiyaan xukuumadda, waxaa kaloo jiray baaqyo ka soo baxay qaybaha kala duwan oo ka codsaday barlamaanka inay ansixiyeen xukuumadda iyagoo eegaya duruufaha iyo xaaladaha ka jira dalka xiligan, balse lama oga in xubnaha barlamaanku ay aragtidoodii bedelaan oo ay ansixin doonaan xukuumadda.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *