Goodax Barre oo Amaray inuu Dalka Ka Baxo Madaxa Hay’ada Care ee Somalia

Published: August 20, 2020

Cabdullaahi Goodax Bare, sii hayaha xilka Wasiirka waxbarshada ee xukuumadda Federaalka ayaa amar ku bixiyay inuu dalka ka baxo Madaxa Xafiiska hay’adda Caalamiga ee Care Iimaan Cabdullaahi.

Qoraal uu soo saaray Wasiirku oo toos loogu diray Hay’adda Care International ayaa wasiirku wuxuu ku sheegay in isku dayo badan oo ay sameeyeen wasaaradiisa iyo qareeno aan wax natiijo ah oo wanaagsan laga gaarin, sidaa daradeedna uu go’aan ku gaaray in uu dalka ka baxo Madaxda Hay’adda care ee Somalia Iimaan Cabdullaahi.

Wuxuu ku eedeeyay inuu baal maray oo iska indho tiray siyaasada iyo habraacyada wasaarada waxbaashada ee federaalka, waxaa kaloo uu ku eedeeyay Iimaan Cabdullaahi inuu carqalad iyo kalsooni daro ka dhex abuuray dowladda federaalka, maamul goboleedyada, deeq bixiyayaasha iyo wadamada saaxiibka la ah Somaliya.

Wasiirku wuxuu sheegay in Madaxa Xafiiska Hay’adda Care ee Somaliya Iimaan Cabdullaahi oo ah Soomaali uusan mar dambe ka sii shaqayn doonin dalka.

Hay’adda Care International oo fadhigeedu yahay dalka Maraykanka ayaa Somaliya ka shaqaynaysay tan iyo Sanadkii 1981dii, waxayna Somaliya ka fulisaa mashaariic ay ka mid tahay horumarinta waxbarashada, horumarinta biyaha iyo nadaafada, horumarinta ganacsiyada yar yar iyo sanadkan oo Somaliya ka caawinayso ka hortega cudurka Covid-19.

Xafiiska Care ee Somaliya ayaa si toos ah ula shaqeeya Maamuladda Puntland iyo Somaliland, gaar ahaan wasaaradaha waxbarashada ee Puntland oo ah la aamisan yahay ay la xiriirto sababta keentay in wasiirku uu dalka eryo madaxda Hay’adda Care ee Somaliya.

Hay’ada Care oo ka Jawaabtay go’aanka Goodax Bare.

Hay’ada care waxa ay sheegtay in heshay Warqad ka soo baxday wasaaradda waxbarashada ee dalka looga saaray Madaxa xafiiskooda Somaliya, ayna ka shaqaynayso sidii xal looga gaari lahaa arrintaasi.

hay’ada Care waxay kaloo sheegtay inay sii wadayso shaqada iyo mashaariicda ay hadda ka wado Somaliya, islamarkaana aaanu la shaqayno dowladda federaalka iyo deeq bixiyayaasha na taageera si aanu ugu adeegno bulshada Somaliyeed” Sidaas waxaa yiri afhayeen u hadlay Hay’adda Care International

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

2 Comments

  1. Good ax in laxiro ama ladilo waaye uma ba qalmo in uu masuul noqdo nin jirin oo miyirka ka galey cuqdad