Gool-hayihii hore ee xulka qaranka Soomaaliya oo Af-gooye lagu dilay.

Published: May 8, 2020

Cabdiweli Colaad Qanyare (Gaatamow) Goolhayihii hore ee Xulka Qaranka Soomaaliya ayaa lagu dilay degmada Afgooye, isagoo ku jiray masaajid ku yaala magaaladaas.

Wararka ayaa sheegaya in kooxo bastoolado ku hubeysan ay toogteen Marxuumka, isagoo dukanayay salaadii taraawiixda, iyagoo markii dambe goobta ka baxsaday.

Wararka ayaa sheegaya in C/weli Gaatamow uu howlo isboorti ka waday degmada Afgooye, waxaana dhowaan loo magacaabay Guddoomiyaha Xiriirka kubadda cagta degmada Afgooye.

Allaha u naxariistee Gaatamow waxaa uu horay uga mid ahaa Xulka Qaranka, sidoo kale kooxo kala duwan ayuu u soo ciyaaray, gaar ahaan Kooxdii banaadir Telecom.

Goolhaye Gaatamow ayaa soo saaray ciyaartoy kala duwan, waxaana uu ahaa khabiir dhanka ciyaaraha oo uu ka qeyb qaatay horumarinta ciyaaraha dalka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *