Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Shacabka oo doortay guddoomiyaha cusub ee guddiga

Published: August 23, 2024

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa ka qeyb galay kulan guddiga arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Golaha Shacabka uu ku dooranayay guddoomiyaha cusub ee guddiga.

Doorashada oo u dhacday hab gacan taag ah waxaa xilka guddoomiyaha guddiga isku soo sharaxay laba musharax oo kala ah Xildhibaan Maxamed Jaamac Mursal Geelle iyo Xildhibaan Cabdisalaan Xaaji Axmed Dhabancad.

Xubnaha guddiga ayaa Xildhibaan Maxamed Jaamac Mursal Geelle u doortay inuu noqdo guddoomiyaha cusub ee guddiga arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Golaha Shacabka.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo doorashada ka dib hadlay ayaa guddoomiyaha cusub ee guddiga kula dardaarmay inuu dardargeliyo shaqada guddiga ,isaga oo dhanka kale xubnaha guddiga ku booriyay in ay la shaqeeyaan.

Doorashada guddoomiyaha cusub ee guddiga arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee golaha shacabka ayaa waxaa goob joog ahaa habdhowre kuxigeenada golaha, xoghayaha guud ee Golaha Shacabka iyo sidoo kale qaar ka mid ah Guddiyada golaha.

Horseed Media