Guddiga Badbaadada Doorashooyinka Oo Doortay Hogaan Cusub

Published: December 7, 2020

Guddiga la baxay guddiga badbaadada doorashooyinka qaranka’ oo ay soo magacaabeen midowga musharixiinta ayaa maanta kulankoodii ugu horreeyay ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Tirada xubnaha guddigan oo dhan 28 xubnood ayaa ka kooban min labo xubnood oo ka kala yimid 14ka musharax madaxweyne ee diidan hannaanka ay dowladdu u mareyso doorashada dalka.

Guddiga Badbaadada Doorashooyinka Qaranka ayaa kulankooda ku doortay guddoomiye, guddoomiye ku-xigeen, xoghaye iyo afhayeen.

  • Yuusuf Xasan Mursal – Guddoomiye
  • Cabdullaahi Maxamed Aadan – Guddoomiye kuxigeen
  • Cabdifitaax Maxamed dhicis – Xoghaye
  • Cabdullaahi Cadi Maxamed – Afhayeen

Dowladda iyo garabka mucaaradka ayaa u muuqda kuwo aad ugu sii kala fogaanaya dhabaha loo marayo doorasho wadar-ogol ku timaada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *