Guddiga Dhaqaalaha Baarlamaanka Puntland Oo Su’aalo Weydiiyey Madaxda Wasaaradda Maaliyadda

Published: October 4, 2020

Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa kulan xog-werysi ah la yeeshay madaxda wasaaradda Maaliyadda & Bangiga dhexe ee Puntland.

Kulanka ayaa ujeedadiisu ahayd xaaladaha isbedelka sarifka lacagaha taas oo ay cabashooyin kasoo gudbiyeen qaybo kamid ah shacabka Puntland.

Madaxda wasaarada maaliyadda iyo bangiga dhexe ee Puntland ayaa guddiga dhaqaalaha iyo xisaabaadka baarlamaanka Puntland warbixin ka siiyey xaalada isbedel ee sarifka lacagaha iyo waxa uga qorsheysan wax-ka-qabashadpoda.

Dhinaca kale guddiga dhaqaalaha iyo xisaabaadka baarlamaanka Puntland, waxaa uu tallooyin ku aadan sida ugu haboon ee wax looga qaban karo Isbadelka Sarifka lacagaha, siiyey masuuliyiintan, iyadda oo dhowaan la filayo in golaha xukuumaddu go’aan ka qaadato arrimahaas.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *