Guddiga Doorashada Aqalka Sare oo Bilaabaya Diiwaangalinta musharixiinta

Published: January 17, 2017

Guddiga qabanqaabada doorashadda aqalka sare ee Barlamaanka Federaalka ayaa sheegay in maanta ay magaaladda muqdisho ka bilaabanayso diiwaangalinta murashixiinta u tartamaya qabashada guddoonka aqalka sare.

Guddoomiyaha Guddiga Qaban qaabadaDoorashada Guddoonka Aqalka Sare xildhibaan Maxamed cusmaan Faarax (Dhagajuun), oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in qabashada codsiyada murashixiinta ay bilaabanayso maanta, ayna socon doontoo ilaa maalinta khamiista 19 bishan jannaayo 2017ka.

wuxuu sheegay in tartanka guddoonka aqalka sare uu yahay mid furan oo wax shuruud ah lagu xiri doonin xildhibaanada danaynaya inay qabtaan jagada guddoomiyaha iyo Guddoomiye kuxigeenadda.

” Mar haddii uu xildhibaanku soo galo aqalka sare waa u furan yahay inuu tartamo, shuruud kuma xirna, qof walba ayay u faran tahay inuu is-sharaxo, waxaanuna ugu baaqaynayaa in murashixiintu ay codsigooda u soo gudbiyaan guddiga doorshada oo fadhigoodu yahay xarunta kumeel gaar ah ee aqalka sare ee Muqdisho” Sidaas waxaa yiri Guddoomiyaha Guddiga Qaban qaabadaDoorashada Guddoonka Aqalka Sare xildhibaan Dhagajuun.

Sida ku xusan jadwalka doorashada aqalka sare, waxaa maalina sabtida ah la dhagaysan doonaa khudbadaha murashixiinta u tartamaya guddoonka aqalka sare, iyadoo maalintii axada ee toddobaadka dambe la qaban doono doorashadda.

Gabagabadii, Magaalada muqdisho ayaa shalay laga dhawaaqay guddi ka kooban lix xubnood, kuwasoo ka shaqayn doona qabanqaabada iyo hirgalinta doorashada guddoonka aqalka sare, iyadoo marka la doortana lagu xijin doono doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Horseed media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *