Guddiga doorashada Ghana oo ku dhawaaqay in madaxweynihii hore Mahama uu ku guuleystay doorashada

10 December, 2024

Guddiga doorashada dalka Ghana ayaa Isniintii ku dhawaaqay in madaxweynihii hore oo ah hoggaamiyaha mucaaradka John Dramani Mahama uu ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee Sabtidii dhacday isagoo helay 56.55% codadkii la dhiibtay, marka loo eego natiijooyinka ku meel gaarka ah.

Guddiga doorashada ayaa sheegay in ay tiriyeen codadka 267 ka mid ah 276-da degmo doorasho ee dalka Galbeedka Afrika. Dadka u soo baxay doorashada ayaa ahaa 60.9%.

Mahama, oo 66 jir ah, ayaa dib u soo laba-kaclaynaya maadaama uu horey usoo noqday madaxweynaha Ghana 2012 ilaa 2016.

“Waajibkani waxa uu xasuusin joogto ah u noqonayaa waxa na sugaya haddii aynu ku guulaysano himilada shacabkeena,” ayuu u sheegay John Dramani Mahama, boqollaal taageerayaashiisa ah oo ku sugan goobaha uu ololaha kaga jirey.

Horseed Media