Guddiga Doorashada Gobolada Waqooyi Oo Doortay Guddoon Cusub

Published: December 8, 2020

Guddiga doorashada xildhibaanada gobolada Waqooyi ee Somaliland ee uu magacaabay raysal wasaare Rooble ayaa maanta iska dhex doortay guddoon cusub.

Guddiga oo tan iyo markii la magacaabay khilaaf xoog leh uu ka jiray ayaa guddoomiye u dooratay khadar Xariir Xusseen, halka guddoomiye ku-xigeenna loo doortay Najiib Xusseen Samaale.

Guddoonka Cusub ee Guddiga Doorashada Xildhibaanada kasoo jeeda Somaliland ayaa sheegay inay ka shaqeyn doonaan sidii ay dhici laheyn Doorashada Xildhibaanada labada Aqal.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo xiligii la magacaabay guddigan ka horyimid ayaa isna dhinaciisa ka magacaabay guddi ka kooban 8 xubnood oo maamuli doona doorashada xubnaha xildhibaannada ee gobollada Waqooyi.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *