Guddiga Doorashada Madaxweynaha JFS oo doortay Gudoon cusub

Published: May 5, 2022

Guddiga dooorashada madaxweynaha ee labada Aqal ee Baarlamaanka ee shalay la soo saaray ayaa maanta kulankoodii ugu horreeyey ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare Senator Cali Shacbaan Ibraahim iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka xildhibaan Cabdullahi Cumar Abshirow ayaa waxa Guddiga iska dhex doorteen Gudoomiye iyo kuxigeenkiisa.

Senator Cabdiqani Geelle Maxamed oo Golaha kasoo galay Puntland, ayaa loo doortay Gudoomiyaha Guddiga kadib markii uu helay 10 cod.

Halka Xildhibaan Maxamed Axmed Beeereey uu helay 5 cod iyo Senator Cabdi ismaaciil samatar isna uuhelay 2 Cod.

Sidoo kale Xildhibaan Maxamed Keerow Maxamed ayaa loo doortay xilka Guddoomiye ku xigeenka guddiga isku dhafka ah ee doorashada Madaxwaynaha kadib markii uu helay 9 Cod, halka Musharaxii kale oo la tartamayay oo ahaa Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimoow uu helay 7 Cod.

Doorashada gudoonka guddiga Doorshada Madaxweynaha ayaa u dhacday qaab qarsoodi ah.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Sidoo kale Xildhibaan Maxamed Keerow Maxamed ayaa loo doortay xilka Guddoomiye ku xigeenka guddiga isku dhafka ah ee doorashada Madaxwaynaha kadib markii uu helay 9 Cod, halka Musharaxii kale oo la tartamayay oo ahaa Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimoow uu helay 7 Cod.

    Doorashada gudoonka guddiga Doorshada Madaxweynaha ayaa u dhacday qaab qarsoodi ah.