Guddiga Doorashada Madaxweynaha oo maanta ka tashanaya doorasha berrito

Published: May 14, 2022

Guddiga doorashada Madaxweynaha ee labada Aqal ee BJFS ayaa lagu wadaa inay maanta kulan ku yeeshaan magaalada Muqdisho, kaas oo looga arinsanayo doorashada Madaxweynaha JFS oo beri qabsoomeysa.

Guddiga waxaa la filayaa in Kulankan ay ka qeyb galaan Gudoomiyaha Golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe iyo kan Aqalka Sare Cabdi Xaashi.

Gudoonka iyo Guddiga ayaa ka wada tasham doona sida ay u socoto howsha qabashada doorashada iyo hadii ay jiraan wax caqabada ah oo ku horgudban howshan.

Musharaxiinta Madaxweynaha JFS oo gaaraya 39 musharrax oo ay qeybtood tanaasuleen ayaa Magaalada Muqdisho ka wada ololahoodii ugu dambeyeeyey ee ay ku doonayaan inay ku hantaan xilka ugu sarreeya ee dalka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *