Guddiga doorashada dadban ee heer Federaal ayaa maanta soo saaray warbixintoodii ugu horeysay, waxay soo bandhigeen…
Guddiga doorashada dadban ee heer Federaal ayaa maanta soo saaray warbixintoodii ugu horeysay, waxay soo bandhigeen howlaha u qabsoomay, iyagoo sheegay in meel fiican u mareyso shaqada guddiga, si dhakhso ahna u guda gali doonaan waajibaadka ka saaran inay dalka gaarsiiyaan doorasho waqtigeeda ku dhacda oo xor iyo xalaal ah.
Guddiga doorashada iyagoo gudanaya waajibaadkooda waxay tilmaameen in ay hadda gacanta ku hayaan shuruudaha jadwalka doorashooyinka iyo diiwaangelinta musharrixiinta u taagan kuraasta Golaha Shacabka iyo habraacyo kale oo muhiim u ah qabsoomidda doorasho hufan.
Hoos ka akhriso:
Horseed Media