Guddiga Doorashooyinka Somaliland oo maanta diiwaangelinaya musharixiinta Golaha shacabka

Published: October 29, 2021

Guddiga maamulaya doorashada Xildhibaanada Somaliland ayaa soo saaray jadwalka labo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee tirsagoodu yahay HOP239 iyo HOP237.

Guddiga ayaa maanta oo jimco ah lagu wadaa in uu bilaabo diiwaan gelinta qabashada codsiga iyo xaqiijinta shuruudaha Musharaxiinta u tartamaya kuraasta kamid ah Golaha shacabka.

Labada kursi ee Guddiga doorashada Somaliland uu shaaciyay in lagu tartamayo ayaa waxaa horey ugu fadhiyay Xuseen Carab Ciise iyadoo haatan uu kula tartami doono Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Mahdi Maxamed Guuleed halka kan kalena uu ku fadhiyay Biixi Iimaan Cige.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *