Guddiga doorashooyinka heer Federaal oo shaaciyey xilliga la dhaarinayo Xildhibaanada cusub

Published: March 16, 2022

Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa soo saaray jadwalka soo xareynta xildhibaanada la doortay ee Baarlamaanka 11-aad, iyadoo la qorsheeyey in ugu dambeyn 14-04-2022, la qabto xafladda dhaarinta xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka dalka.

Sida ku cad jadwalkaan 16-ka bishaan oo ku beegan Arbacada maanta illaa 23-ka bishaan ayaa la qorsheeyey in lasoo uruuriyo dukumintiyada Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka, iyadoo 24-ka illaa 29-ka la qorsheeyey in la hubiyo dukumintiyadaas.

Inta u dhaxeysa 31-ka Maarso ilaa 4-ta bisha soo socota ee Abriil waxaa la qorsheeyey in la shaaciyo natiijada rasmiga ah ee doorashooyinkii Baarlamaanka iyo in la soo xareeyo dhamaan Xildhibaannada labada Aqal.

5-ta Abriil illaa 10-ka bishaas waxaa la qorsheeyey in shahaadada Xildhibaanimada la siiyo dhamaan xubnaha la doortay ee labada Aqal.

11-ka bisha Abriil waxaa loo qorsheeyey inay dhacdo wareejinta galalka macluumaadka xildhibaanada labada Aqal.

Ugu dambeyntii 14-ka Abriil xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa qabanaya xafladda dhaarinta xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *