Guddiga doorashooyinka oo faahfaahiyay xiliga la qabanayo Doorasho ka dhacaysa Koonfur Galbeed.

Published: September 5, 2018

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka ayaa ka hadlay doorasho dhawaan la filayo inay ka dhacdo magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Doorashada ka dhaceyso magaalada Baydhabo ayaa waxay tahay labo kursi oo ka banaan golaha shacabka, waxaana Xaliimo Yareey oo ah guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ay sheegtay inay dhawaan dhaceyso doorashadaasi.

Labada kursi ee banaan ayaa waxaa baneeyey Xuseen Cusmaan Xuseen oo hada ah Agaasimaha Hay`ada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya iyo Marxuum Khaliif Cabdullaahi oo geeriyooday.

Xaliimo Yareey, waxay sheegtay in la diyaariyay dhamaan ergooyinka iyo musharixiinta ka qeyb galaya doorashada mid kamid ah kuraasta golaha shacabka ee banaan, balse ay hadda wadaan diyaarinta ergooyinka kursiga kale dooranaysa.

Guddiga ayaa ugu baaqay odayaasha dhaqanka iney soo gudbiyaan liiska ergada doorashada ka qeyb galeyso, Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka Xaliimo yareey ayaa sheegtay in waqtiga loogu tala galay ay ku qabanayaan doorashada labada kursi.

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka ayaa shalay magaalada dhuuso mareeb ku qabtay doorashada kursigii uu iska casilay Xildhibaan C/qaadir Gaafow, waxaana doorashadii shalay ku guuleystay C/laahi Gaafow Maxamuud oo horay u soo hogaamiyay hay`addaha NISA iyo Socdaalka.

Horseed Media

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *