Guddiga Doorashooyinka Oo Ku Dhawaaqay Xiliga La Qabanayo Doorashada Aqalka Sare Iyo G/Shacabka

Published: December 23, 2020

Guddiga lagu muransanyay ee doorashooyinka heer Federaal, ayaa maanta soo saaray jadwalka doorashada Aqalka Sare iyo golaha shacabka ee baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

War qoraal oo kasoo baxay guddiga doorashooyinka ayaa lagu sheegay iyadoo la tixgelinayo heshiiskii 17kii Sebteembar 2020 ay wada gaareen golaha wadatashiga qaran oo ka koobnaa madaxda dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka, inuu maanta oo ay taariikhdu tahay 23ka Diseembar 2020 shaaciyey taariikhda rasmiga ah ee doorashada aqalka Sare ay dhacayso 31 December 2020 illaa 6 Janaayo 2021.

Halka jadwalka lagu sheegay in guddiga ay guda galayaan 7 Janaayo 2021 diiwaan gelinta, xaqiijinta iyo tababarida xubnaha odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ee ka qeyb galaya xulista ergooyinka doorashada.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *