Guddiga Doorashooyinka Puntland oo ganaaxay Urur Siyaasadeedka Kaah

Published: October 16, 2021

Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland ayaa ganaaxay Urur siyaasadeedka Kaah kadib markuu sheegay in uu jebiyay xeerka iyo nidaamka Ololaha Doorashooyinka.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Guddiga ayaa lagu sheegay in Isu soo baxa Urur Siyaasadeedka Kaah iyo taageerayaashiisa ay qabsadeen maalin aan jadwalka loo asteeyay kamid ahayn sidaas darteedna lagu ganaaxay lacag dhan 1,000 dollar iyo awaamiir la dul dhigay.

Sida ay muujinayaan caddaymaha lifaaqaha hoose iyo qoraal uu nala wadaagay Guddoomiyaha TPEC degmada Eyl, waxaa cad in masuuliyiin ka tirsan Urur Siyaasadeedka KAAH ay isusoobax ku qabteen tuulada Xasbahale ee degmada Eyl maalintii Khamiista 14/10/2021 taas oo aan ahayn maalintii ururku lahaa ololihiisa. Tani waxay xadgudub ku tahay xeerka doorashada qodobada 22, 23 iyo jadwalka Guddigu udajiyay ololaha Ururada.

Hoos ka akhriso Warsaxaafadeedka Guddiga

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *