Guddiga Doorashooyinka Puntland oo shaaciyay liiska Diiwaangelinta codbixiyayaasha

Published: March 18, 2023

Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa shaaciyay wadarta guud ee liiska horu-dhaca ah ee Diiwaangelinta codbixiyayaasha gobolada iyo degmooyinka Puntland ee Diiwaangelintu ka qabsoontay.

401,120 oo ruux ayaa isu diwaangeliyey doorashada qof iyo cod ee Puntland, sida uu shaaciyey guddiga.

iyada oo gobolka Bari oo dadka ugu badan iska diwaangeliyeen laga diwaangeliyey in ka badan 102,937 qof balse Mudug ayaa kaalinta ku haysata oo ay iska diwaangeliyeen – Akhirso degmo kasta.

Gobolka bari oo ah gobolka ugu weyn ee Puntland ayaa waxaa iska diwaan galiyay 102,937 oo qof.

Gobolada ayaa waxaa iska diiwaan geliyey ayaa kala ah:

Mudug: 102,353 qof, Nugaal: 97,923 qof, Karkaar: 47,797 qof, Gardafuu: 14,253 qof, Sanaag: 22,608 qof, Haylaan: 11,249.

Horseed Media