Guddiga gar-gaarka abaaraha Puntland oo mashruuc biyo dhaamin iyo raashin qaybin ka sameeyey meela kala duwan

Published: March 29, 2017

Gudiga gar-gaarka abaaraha Puntland ayaa mashruuc biya dhaamin iyo raashin qaybin kasameeyey meela kala duwan oo Puntland ah. kuwaas oo ay ugu horeeyaan meelaha laysugusoo guurey ee gobolada Karkaar iyo Bari,sida uu noo sheegay Gudoomiye ku xigeenka gudiga Samafale Yuusuf Suudi Cabdi.

Gudigu wuxuu raashin , dhar iyo maacuun ka qaybiyey meela kala ah:

Ceellahelay (karkaa): 300 qoys.

Dabra (Bari/iskushuban) :200 qoys.

Ceel mareere (Bari/iskushuban): 100 qoys

Dhahar (hayland) :380 qoys iyo 137dawo

Baran (sanaag) 150 qoys

Buurawadal ,xalin,buq ilaad (Sool) :450 qoys

Buuhoodle :100 qoys

Deegaanada biya dhaamiska laga sameeyey 350 booyadood:

Dabra (Bari/iskushuban) :120 qoys.6 booyadood

Ceel mareere (Bari/iskushuban): 75 qoys 7 booyadood

Mareer (Bari/iskushuban): 200 qoys 40 booyadood

Isgorasaar (Bari/iskushuban): 180 qoys-25 booyadood

Xuubabays (Bari/iskushuban): 200 qoys-40 Booyadood

Xiriiro (Bari/iskushuban):250 qoys-45 booyadood

Kala dhacda ,Booda (Dhahar -hayland) :315 qoys 15 booyadood iyo 137dawo

Biya gaduud (Baran -sanaag) 115 qoys,15 Booyadood.

Biyaha lageeyey meelaha laysugusoo guuray waxaa loo dhaamiyey reer miyiga ,halka meelaha xaasaska iyo caruuraha looga tegey loo dhaamiyey tuulooyinka.

Waxaa jirey in 28 Mar. 17 lagu daweeyey 137 qof degmada Dhahar gudiga oo kaashanaya ,jaamacada culuumta caafimaadka.

Biyaha iyo raashinka ay gudigu qaybiyeen waxaa bixiyey:

Dadweynaha reer Boosaasood

Haya`ada Tadaamun.

Jaamacada Bada cas Boosaaso.

Jaamacada PSU garoowe.

Jaamacada Culuumta caafimaadka Boosaaso.

Dugsiga Imaamu AL-Nawawi Boosaaso Faracyadiisa.

Dalada Hanuuninta Irshaad(Boosaaso).

Jaaliyado Soomaaliyeed Yurub.

Dhalinyaro isxilqaamay oo lacagsoo ururshey.
iyo dad muxsiniin ah.

Faafin Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *