Guddiga horumarinta Boosaaso oo ka war bixiyey qaabka wadada Gaaca Laamiga looga dhigayo [Sawiro]

Published: February 2, 2012

Guddiga horumarinta ee degmada Boosaaso ayaa ka warbixiyey qaabka loo bilaabayo howsha Laamiga lagu saarayo mid kamid ah jidadka magaalada ugu muhiimsan oo lagu magacaabo wadada Gaaca.

Qandaraaska dhismaha wadadan oo la siiyey shirkadda El-Gar oo iyadu ku guuleysatey tartankii loo galay ayaa waxaa si rasmi ah heshiiskiisa maanta u kala saxiixday maamulka degmda, guddiga horumarinta, iyo maamulka shirkadda dhismaha ee El-Gar.

Cabdifataax Maxamed Sugulle oo ah xog-hayaha guddiga horumarinta degmada Boosaaso oo markii ay munaasabadii heshiiska lagu kala saxiixanayey soo gaba gabowdey kadib warbaahinta uga warbixiyey qaabka ay howshaasi u bilaabmi doonto ayaa sheegay in maanta oo ay taariikhdu tahay 2/2/2012 si rasmi ah loo furay mashruuca lagu hagaajinayo jidadka magaalada Boosaaso.

Mudane Cabdifataax waxa kale oo uu sheegay in dhismaha jidkan oo dhererkiisu yahay 1.25km uu qaadan doono mudo 29-maalmood ah, wakhtigaas oo Sugulle uu tilmaamay inuu yahay mid ku cad heshiiskii sadex geesoodka ahaa ee maanta la kala saxiixday.

Xog-hayaha guddiga horumarinta degmada Boosaaso Cabdifataax Maxamed Sugulle waxa kaloo uu xusay in marka jidkaas dhismihiisa la dhameeyo uu mudo bil ah tijaabo ku jiri doono si loo ogaado in Laamiga loo saaray qaabkii heshiisku ahaa iyo in kale.

Dhinca kale Gaar Yaasiin Axmed oo ah maamulaha shirkadda qaadatay qandaraaska wadadan oo markeedii hore jid-cade ahayd Laamiga lagu saarayo ee El-Gar ayaa sheegay inaysan ahayn markii ugu horeysey ee ay wado magaalada Boosaaso ku taal Laami ka dhigaan.

Mr Gaar wuxuu isaga oo hadalkiisa sii wata ugu baaqay dad weynaha in ay taageero siiyaan inta howshu socoto, isagoo tilmaamay in howshani ay tahay mid aad u dhib badan, suurtagalna aysan noqon doonin in wakhtiga loogu tala galay lagu soo gaba gabeeyo hadii aan bulshada caawimaad laga helin.

Wadada maanta lakala saxiixday qandaraaska Laamiga looga dhigayo ayaa kamid ah 4-jid oo dhowaan maamulka degmadu uu dayactir Caro-tuur ah ku sameeyey, waxayna waxgaradka, ganacsatada, iyo maamulka degmada oo dhowr jeer kulamo arintan ku aadan yeeshay isku afgarteen in la dhamaystiro oo wadooyin Laami ah laga dhigo maadaama wax badan laga qabtay ayna u dhimantahay keliya in Laami la saaro.

Dhaqaalaha ku baxaya dhismaha wadadan waxaa soo uruuriyey guddiga horumarinta degmada oo la kaashanaya ganacsatada, maamulka degmada, iyo dhamaan qaybaha kale ee bulshada, waxaana u qorsheysan marka uu dhisma jidkan laamiga laga dhigayaa soo gaba gaboobo inay bilaabaan sadex wado oo kale kuwaasoo uu ku jiro jidka laamiga ah ee magaalada dhexmara oo isagu dhowr meeleed ka burbursan.

 

Horseed Media

Boosaaso