Guddiga Khilaafaadka Iyo Ansixinta Oo La Wareegay Diiwaanka Galalka Habraacyadii Soo Jireenka Ahaa Ee Lagu Soo Xuli Jiray Xubnaha Golaha Wakiillada

Published: December 19, 2023

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddiga Ansixinta iyo Xallinta Khilaafaadka Golaha Wakiillada Puntland.

Ugu horeyn, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada isagoo ka duulaya Heshiiskii Jiheynta Doorashada ee ay gaareen Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada wuxuu Guddiga ku soo dhaweeyey Xarunta Golaha Wakiillada, isagoo ku wareejiyey Diiwaanka Galalka habraacyadii soo jireenka ahaa ee lagu soo xuli jiray Xubnaha Golaha Wakiillada si guddiga ugu fududaato gudashada waajibaadkooda asixinta iyo xalinta khilaafaadka Baarlamaanka 6-aad ee Puntland.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa amray Xoghayaha Guud iyo dhammaan hawl-wadeenada Goluhu in ay la shaqeeyaan Guddiga, una fududeeyaan wixii shaqo ee uga baahdaan muddada ay ku shaqeynayaan Xarunta Golaha Wakiillada.

Horseed Media