Guddiga maamulka maaliyadda oo soo dhoweeyey wakillka cusub ee IMF ee Soomaaliya

18 January, 2017

Guddiga Maamulka Maaliyadda ayaa 15 Janaayo 2017 ku qabtay kulankiisii 20aad ee bilaha ahaa magaalada Nairobi…

Guddiga Maamulka Maaliyadda ayaa 15 Janaayo 2017 ku qabtay kulankiisii 20aad ee bilaha ahaa magaalada Nairobi ee wadanka Kenya. Kulankaan ayaa guddigu kaga dooday horumarada uu Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ka sameeyey daba galka hantida ku abaaday akoonadii Bangigii Ganacsiga Soomaaliya ku lahayd dibadaha. Guddiga maaliyadu waxay siiyeen ogolaansho uu bangiga Dhexe ku sii wadi karo hawlaha uu ku furayo akoon hoosaad laga dhex furayo mid ka mid ah akoonada horay u jiray ee Bangiga Dhexe si loogu soo wareejiyo hantida ku raagtay Bangiyada Caalamka. Tani waxay fududaynaysaa habka bixinta lacagaha laga helay afar bangi, ayna ku soo wareejin doonaan akoon xisaabeedkaan, waxaa kale oo socda hawlo lagu xaqiijinayo hantida bangiyada kale weli ku harsan.

Guddiga maamulka maaliyadu waxay isla diyaariyeen qoraal qabyo ah oo heshiis is faham ah, una dhexeeya wasaaradda maaliyadda iyo Bangiga Dhexe si ay u wada furaan akoono xisaabeed laga furayo Bangiyada Ganacsiga oo lagu rido canshuuraha, akoonkaas oo uu maamulayo Bangiga Dhexe . Qoraalka heshiiskaan waxaa loo gudbinayaa Xeer ilaaliyaha guud ee wadanka si uu u meel mariyo. Tani waxay horumarinaysaa hufnaanta canshuuraha la qaaday, waxayna kordhinaysa qanacsanaanta canshuur bixiyayaasha, iyadoona kor u qaadaysa hanaanka horumarinta xisaabaadka ganacsiga.
Guddiga maamulka maaliyadda wuxuu ku cadeeyey warbixintiisii afraad ee Maamulka maaliyada waxyaabihii uu dib u eegidda ku sameeyey tan iyo sanadkii 2014, isagoo xaqiijiyey caqabadaha taagan ee la xaliyey. Warbixinta ayaa la rajaynayaa inay soo dhamaystiranto bisha Marso ee 2017, waxaana laga hor akhriyi doonaa dowladda imaan doonta, iyadoo lagu faahfaahinayo arrimahaa maamulka maaliyadda iyo siday u kala muhiimsan yihiin hawlaha loo bahan yahay.
Wasiirka maaliyadda ahna madaxa Guddiga Maamulka Maaliyadda ee dawladda Mudane Mohamed Aadan Ibraahim Fargeeto ayaa soo dhoweyey Mudane Samba Thiam oo ah u qaybsanaha hay`adda lacagta aduunka ee IMF Soomaaliya, waana xubinta u metalaysa hay`adda IMF guddiga Maamulka Maaliyada. Madaxa guddiga maaliyadu wuxuu soo dhoweyey ka qayb galka IMF ee hawlaha Guddiga, iyagoona tilmaamay muhiimadda uu leeyahay iyo dadaalka uu wado ee lagu hormarinayo hanaanka hufnaanta maaliyadda, waxayna IMF sheegtay inay sii wadayso la shaqaynta guddiga.

Dawladda Federaalka Somaaliya oo kaashanaysa Bangiga Aduunka ayaa si wada jir ah u dhisay sanadkii 2014 Guddigaan oo ah mid heerkiisu sareeyo oo wada jir ah oo dhinaca maaliyadda ah, si loo kordhiyo ogaansha iyo hufnaanta qaybaha muhiimka ah ee Maamulka Maaliyadda. Guddigaan Maamulka Maaliyada waxaa maal geliya Sanduuqa isku dhafka deeqaha Soomaaliya (MPF) loo soo gaabiyo. Wuxuuna qabtaa sahaminta iyo go`aaminta hawlaha aasaasiga ah iyo kuwa farsamo ee lagu horumarinayo wada shaqaynta laamaha maaliyadda.

Guddiga Maamulka Maaliyadu wuxuu ka kooban yahay xubno ka kala socda Wasaaradda Maaliyadda oo ah hogaanka guddiga, Bangiga Dhexe, Guddiga maaliyada ee baarlamaanka, Xubin ka socota Xafiiska Madaxweynaha, xubin ka socota xafiiska Raysal Wasaaraha, Xeer ilaaliyaha guud ee wadanka iyo hay`addaha caalamiga ee dhinaca lacagta ee kala ah Bangiga Aduunka, Bangiga Horumarinta Afrika, Hay`adda Lacagta Aduunka ee IMF iyo Deeq bixiyayaasha.

Faafin Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *