Guddiga Olimbikada Soomaaliya oo shaqada ka joojiyey masuulkii ka danbeeyey fadeexadii orodka

Published: August 2, 2023
Shares4

Guddiga Olimbikada Soomaaliya ayaa fuliyey amar kasoo baxay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Soomaaliya, kaas oo ahaa in shaqada laga joojiyo guddoomiyha xiriirka ciyaaraha fudud ee Soomaaliya marwo Khadiija Aadan Daahir.

Arintan waxay daba socotay fadeexad hadal hayn dhalisay kadib markii gabar aan isa soo diyaarin ay ka qaybgashey tartan caalami ah ee orodka 100mitir, kaas oo ka dhacay Shiinaha markii Nasro Abuukar ay noqotey qofkii ugu gaabiyey abid ee ka qaybgalay ciyaaraha oroadada ee 100 mitir.

Khadiijo Aadan Daahir ayaa ka danbeysey in Nasro ka qaybqaadato orodada jaamacadaha, waxaana la aaminsan yahay in ay xiriir qaraabo ka dhexeeyo.

Horseed Media