Guddiga TPEC Oo Shaaciyey Goobaha Diiwaangelinta Doorashada Degmooyinka Puntland

Published: November 17, 2022
Doorashadii 25 Okt 2021 degmada EYL

Guddiga kumeel-gaarka ah ee doorashooyinka Puntland (TPEC) ayaa caawa shaaciyey goobaha diiwaangelinta iyo seejooyinka doorashada qof iyo cod ee golayaasha deegaanka degmooyinka Puntland.

Warsaxaafadeed kasoo baxay guddiga TPEC ayaa lagu sheegay in diiwaangelinta doorashadu ka dhici doonto 520 Seejo oo ku kala yaalla 37da degmo ee 9ka gobol ee Puntland.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka:

Warsaxaafadeed: Baahinta Seejooyinka iyo Goobaha Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaaasha Degmooyinka Puntland:

Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland waxuu shaacinayaa goobaha diiwaan-galinta iyo Seejooyinka cod-bixiyayaasha Degmooyinka Puntland, kadib markii Guddigu kasoo sameeyeen qiimayn iyo sahamin gobolada iyo degmooyinka Puntland.

waxaa jira deegaano isugu jira miyi iyo tuulooyin oo hoostaga degmo walba oo aan loo sameyn goobaha diwaan-galinta ama cod-bixinta, meelahaas waxaa loo kala diri doono kooxo guur guura oo soo diiwaan-galiya meelwalba oo dad joogo.

Fiiro Gaar ah: Waxaa jira goobo seejooyin ah oo aan ku jirin liiska goobaha la shaaciyay ee kor ku xusan oo gadaal laga shaacindoono marka la xaliyo tabashooyinka ka jira.

Goobaha loo asteeyay codbixinta iyo diiwaan-galinta degmooyinka waa sidaan hoos ku qoran:

Horseed Media