Guddiyada Dastuurka oo kulan la yeeshay lataliyaha amniga Qaranka

Published: August 14, 2024

Guddiga madaxabannaan ee dib u eegista iyo hirgelinta dastuurka iyo guddiga arrimaha Dastuurka u qaabilsan Baarlamaanka FS ayaa kulan la yeeshay Lataliyaha Madaxweynaha ee aminga Qaranka mudane Xuseen Macalin.

Wuxuu ka dhageystay aragtiyo ku saabsan qodobada la xiriira amniga ee dib u eegista Dastuurka oo ka mid ah cutubyada ay ka shaqeynayaan guddiga madaxabannaan ee Dastuurka.

Guddoonka labada guddi waxay u mahadceliyeen lataliyaha iyo xafiiskiisa diyaarinta talooyinkan ku fadhiya cilmibaarisyo iyo heshiisyada siyaadeed ee la xiriirta dib-u-eegista Dastuurka.

Horseed Media