Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland: ” Weerarkii Garoowe waxaa soo abaabulay Sen. Timacade” – VIDEO

Published: June 22, 2023

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Cabdirashid Yusuf Jibril Cawl oo maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 7-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada ayaa si kulul uga hadlay dagaalkii Garoowe ka dhacay talaadadii.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in duullaankii lagu soo qaaday golaha wakiilada ay soo abaabuleen senetaro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda Federaalka oo uu hogaaminayo Guddoomiye kuxigeenka 2aad ee aqalka sare, Sen. Cabdullaahi Timacade.

” Weerarkii Garoowe waxaa soo abaabulay Xildhibaanno iyo Senataro uu Timacade hoggaaminayo, khalkhalka Caasimaddu wuxuu soo dedejinayaa in Sool la qabsado”, ayuu yiri; Guddoomiyaha Golaha wakiilada Puntland.

Sidoo kale Guddoomiye Cabdirashiid ayaa cadeeyey in Puntland lagu soo duulaay, isla markaana la doonayo in la fashiliyo halgankii xoraynta Sool oo ay udub-dhexaad u ahayd Puntland.

” Ciddii ka shaqaysa inay khalkhal geliso caasimadda oo senetarada uu ka kowyahay Timacade ee ka shaqaynaysa amni-darada Puntland, waxaanu u aqoonsanaynaa inay yihiin cid taageersan oo la shaqaynaysa Muuse Biixi iyo cadowga SNM ee dalkeena kusoo duulay”, ayuu yiri; Guddoomiye Cabdirashiid.


Hoos ka daawo:

Horseed Media