Guddoomiyaha Banaadir iyo Taliyaha Booliska oo ka wadahadlay amniga caasimadda

16 hours ago

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamed Axmed Amiir ayaa kulan looga hadlayay wada-shaqeynta la qaatay taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed iyo guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa intiisa badan diiradda lagu saaray wada-shaqeynta Booliska iyo maamulka cusub ee gobolka Banaadir si kor loogu qaado ammaanka iyo nabadgalyada caasimadda dalka ee Muqdisho iyo guud ahaan dalka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Mr. Amiir ayaa uga mahadceliyay Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi isbeddelada ammaan iyo sida Booliska dalka uga soo dhalaalay muddada kooban ee uu xilka hayo sugidda amniga iyo wada-shaqeynta Booliska iyo shacabka.

Horseed Media