Guddoomiyaha Banaadir oo kulan laqaatay wafdi ka yimid Norway

Published: March 23, 2022

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xarunta aqalka Dowlada hoose ee Xamar ku qaabilay wafdi sare oo ka socday Dowladda Norway oo uu hogaaminayay wakiil-ka safaraada Norway ee Soomaaliya Mr. Haakon Svane.

Shirkan oo muhiim u ahaa horumarinta Caasimadda ayaa wax yaabihii looga hadlay waxaa kamid ahaa dadajinta mashruuca Xasilinta iyo Horumarin oo ay dowladda Norway taageeridoonto 3-da sano ee soo-socoto.

Waxaa sidoo kale looga hadlay kulankan in la iska kaashado dib u dhiska xarumaha dowladda hoose, Nalaynta Magaalada iyo sidii loo dhisi lahaa meelaha Biya-Mareenka, garab istaaga dadka ay Abaarta soo barakacisey ee magalada soo galay iyo shaqa abuurka Dhallinyarada.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *